FOOTBALL WHISPERS: 10-ka heshiis ee dhammeystirka ku dhow waqti xaadirkaan, halkee ayuu marayaa heshiiska uu Sanchez ugu biirayo Man City?

0
1684

Jimce wanaagsan akhristeyaasheenna qiimaha iyo qadarinta inaga mudanoow meel walba oo aad adduunka ka joogtaan…

Waxaan halkaan kusoo koobi doonaa 10-ka heshiis ee waqti xaadirkaan dhammeystirka ku dhow – kuwaasoo ay soo bandhigtay shabakadda Football Whispers oo bahwadaag la ah Sky Sports.

Sida caadada ah qiimeynta heshiiska dhammeystirka ku dhow waa inuu helo shan dhibcood (Five stars), halka heshiisyada kusoo xigga dhibco ahaan ay yihiin kuwa kusoo ag dhow.

Laacibkii hore ee Tottenham Sandro ayaa ku soo wajahan horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga, isagoo imaanaya kooxda Benevento wuxuuna ka soo tegayaa Antalyaspor oo ka dhisan Turkiga, isaga ayaana qiimeyntan maanta hoggaanka u haya oo helay shan dhibcood.

Kaalinta 8-aad ee qiimeyntaan waxaa ka soo muuqday Weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez, kaasoo la filayo inuu bishaan ku biiro kooxda Manchester City – dhammeystir ahaan heshiiska xiddiga reer Chile ayaa helay 4 dhibcood.

Halkaan hoose ka eeg qiimeyntii ugu dambeysay ee Football Whispers…

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan