Radja Nainggolan oo Roma iibineyso Man United iyo Chelsea ayaa isku heestaan

0
520

 

Cayaaryahanka khadka dhexe ku wanaagsan Radja Nainggolan ayaa suuqa Yurub lasoo dhigay kadib markii kooxdiisa AS Roma go’aansatay inay iska fasaxdo.

Radja Nainggolan ayaa anshax xumo baraha bulshada ka muujiyay bilawgii sanadka cusub waxayna Roma diyaar u tahay inay iibiso.

Warar hordhac ah ayaa sheegayaan kooxaha horyaalka China cayaaraan Radja Nainggolan soo dalbadeen balse xidigaan ayaa iska diiday asigoo rabo inuu Yurub baaqi kusii ahaado.

29-jirkaan Belgium-ka ah ee khadka dhexe ku xoogan waxay Roma ku dooneyaa £30m waana qiimo lacageed oo ay bixin karaan kooxaha Man United iyo Chelsea oo xidigaan xiiso u qabaan.

Radja Nainggolan xagaagii dhawaa ayuu ku sigtay inuu Premier League soo aado balse kooxdiisa Roma ayaa ka hor istaagtay laakiin haatan maamulka Roma waxay isku raaceen ina la iibiyo sidoo kalena lacagahaan Roma waxay u baahan tahay inay qasnadeeda ku dheeli tirto.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan