Real Madrid oo dejisay qorshihii ugu dambeeyey ee ay kusoo xerogelineyso Mauro Icardi – Xiddigaan iyo lacag ayey ogolaatay

0
937

Wararka kasoo baxaya dalka Talyaaniga ayaa sheegaya inay maamulka kooxda Real Madrid u bandhigi doonaan dhiggooda kooxda Inter Milan qaadashada gooldhaliye Karim Benzema iyo lacag kaash ah si ay ugu guuleystaan saxiixa weeraryahanka reer Argentia Mauro Icardi.

Si kastaba ha ahaatee, Mauro Icardi ayaa laga yaabaa inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo kooxdiisa Inter Milan.

Real Madrid ayaa maalmihii ugu dambeeyey si xoog leh loola xiriirinayey saxiixa Mauro Icardi, shabakadda L’Équipe ee dalka Faransiiska iyo Football Italia ayaana labaduba haatan qoraya in tababare Zinedine Zidane uu diyaar u yahay inuu Benzema qeyb ka mid ah heshiiskaan ugu gacan geliyo Inter.

Wargeyska La Gazzetta dello Sport ayaa sidoo kale sheegaya in qandaraaska uu Icardi kula jiro Inter Milan lagu burburin karo 110 milyan oo euros, balse waa wixii ka bilowda xagaaga soo aadan, sidaas darteed haddii ay Los Merengues dooneyso inay la wareegto bishaan waa inay bixiso lacag intaas ka badan.

Kabtanka Nerazzurri ayaa ka ciyaari kara tartanka UEFA Champions League haddii uu ku biiro Real Madrid, waana sababta ay u dooraneyso kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu.

Inter Milan ayey tahay inay haatan ka fikirto qorshaha ay Real Madrid usoo bandhigtay ee ay ku heleyso bedelka Icardi oo toos ah Benzema iyo lacag kaash ah.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan