Maamulka Bayern Munich oo ka hadlay mustaqbalka xiddiga lala xiriirinayo kooxda Chelsea ee Arturo Vidal

0
542

Maamulka kooxda Bayern Munich ayaa digniin u diray dhiggooda Chelsea iyagoo u caddeeyey in uusan iib aheyn xiddigooda qadka dhexe ee qaranka Chile Arturo Vidal.

Kooxda ka dhisan Jarmalka ayaa caddeysay in aysan iibin doonin xitaa hal ciyaaryahan oo ka mid ah kooxdeeda koowaad inta lagu jiro suuqaan Jannaayo, ka dib markii ay soo baxeen warar xan ah oo sheegaya inuu bixi doono Vidal.

Tababaraha kooxda Bayern Munich Jupp Heynckes ayaana daaha ka qaaday inuu isku sii heysan doono dhammaanba kooxdiisa uu haatan heysto.

Heynckes oo ka hadlayey wararka xanta ah ee Vidal la xiriirinaya kooxda tababare Antonio Conte ee Blues, ayaa u sheegay warbaahinta: “Ma jiro wax xiriir ah oo ay sameeyeen Chelsea iyo Bayern Munich.

“Mana iibin doono Arturo Vidal ama ciyaaryahan kale oo kooxdeenna koowaad ah inta lagu jiro suuqaan Jannaayo”.

Chelsea ayaa lala xiriirshay saxiixa Vidal ka dib markii uu tababareheeda Conte ammaan kala duldhacay labada ciyaaryahan ee reer Chile Vidal iyo Alexis Sanchez oo baxsad ka ah kooxdiisa Arsenal.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan