“Xitaa hooyadeey oo 80 sanno jir ah waa ay ogtahay halka laga heysto Inter Milan iyo booska aan u dhutineyno”

0
853

Ka dib markii ay xilli ciyaareedkaan ku bilaabatay guuldarro la’aan, Inter Milan ayey ka qasneyd maalmihii ugu dambeeyey, laba barbardhac iyo laba guuldarro oo soo gaartay ayaana keentay inay u dhacaan kaalinta seddaxaad ee kala sarreynta horyaalka Serie A.

Tababaraha kooxda Inter Milan Luciano Spalletti ayaana muujiyey sida uu uga careysan yahay difaaca kooxdiisa iyo tayo ahaan qorsheyaasha uu heysto.

Luciano Spalletti ayaa si cad u tilmaamay inay kooxdiisu u baahan tahay inay daafac cusub oo dambeedka dhexe ah kasoo iibsato suuqa kala iibsiga ee bishaan Jannaayo, ka dib barbardhicii 1-1 ahaa ee ay Jimcadii la galeen kooxda Fiorentina.

Spalletti oo careysan ayaa u sheegay hillinka Mediaset Premium: “Tani ma ahan wax aan sii qaadan karo, ma garanayo wax kale oo aan dhaho.

“Waa inaanse shaqadeyda qabsadaa, tijaabo kasta oo adagba aan la kulmee, sida iska cadse qof walba ayaa og inaan u baahanahay daafac dambeedka dhexe ah.

“Xitaa hooyadeey oo 80 sanno jir ah kuna sugan gurigeeda ayaa ka warqabta inay Inter Milan u baahan tahay daafac dambeedka dhexe ah, su’aashaan waxay warbaahintu i weydiisay bilowgii xilli ciyaareedkaan, jawaabtaan oo kale ayaana bixiyey, waana ku celcelin karaa 750 jeer”.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan