Kooxda Cagliari oo fariin raali galin ah gaarsiisay Blaise Matuidi & sababta ay u raali galiyeen oo ay ganaax ku mudan karaan.

0
856

Ciyaariyahanka khadka dhexe Juventus Blaise Matuidi ayaa fariin raali galin ah ka helay kooxda Cagliari kadib markii jamaahiirta kooxdaas ay hadalo cunsuriyanimo ah hawada u mariyeen intii uu ku jiray kulankii ay labada kooxood ku yeesheen Sardegna Arena.

Juventus ayaa ku adkaatay gool uu dhaliyay xidiga reer talyaani ee Bernardeschi, basle wixii ugu xumaa waxey ahaayeen in Matuidi lagu aflagaadeeyay kalarkiisa iyadoo dadka talyaaniga ay yahiin kuwa ugu xun ee sidaas sameeya mar walba.

Xidigii hore Paris Saint Germain wuxuu ku sharaxay wax walba oo lagula hadlay bartiisa facebook, balse durba waxaa usoo jawaabay kooxda Cagliari oo ka dalbatay raali galin buuxda, waxeyna sheegeen in waxyaabahaas aan loo dulqaadan karin.

“Waxaa tahay ciyaariyahan weyn, waxaad tusaale u tahay ciyaartoyda yaryar” ayuu ku bilowday fariinta Cagliari.

“Waxaan dooneynaa inaan kaa raalli galino hadii lagugu aflagaadeeyay garoonka Sardegna Arena, sababtoo ah kalarkaaga”

“Cunsuriyanimada kuguma sameynin dadka Sardinian [dadka dagan gobolka Sardinia], kaliya jaahilnimada ayaa sharaxi karta dabeecadaha qaarkood – xushmad”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan