RASMI: Everton oo xaqiijisay inay xiddigeeda Kevin Mirallas amaah ku siisay kooxda…

0
1052

Kooxda kubadda cagta Everton ayaa xaqiijisay in xiddigeeda garabka ee Kevin Mirallas inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ay amaah ku siisay naadiga reer Giriig ee Olympiacos.

Xiddigan reer Belgian ayaa garoonka Goodison Park uga soo biiray Olympiacos adduun dhan 6 milyan oo gini bishii Agoosto ee sanadkii 2012-kii, waxaana uu shabaqa soo taabtay 38 jeer 186 kulan oo uu u saftay naadiga Merseyside-ka.

Mirallas ayaa kaliya ku soo bilowday labo kulan oo horyaalka Premier League kooxda uu hoggaamiyo Sam Allardyce xilli ciyaareedkan, isagoo saddex kulan oo dheeraad ahna ka soo kacay kursiga keydka.

30 sano jirkaan ayaa kooxda Olympiacos kula guuleystay horyaalka Giriiga ee 2011-kii, isagoo dhaliyay 34 gool 71 kulan oo uu saftay kooxdaas.

Mirallas ayaa sidoo kale u saftay 59 kulan xulkiisa qaranka Belgium.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan