FRANK RIBERY: “Waa la iga xaday abaalmarintii Ballon d’Or sannadkii 2013 mana iloobi doono ficilkii la igu sameeyey”

0
799

Frank Ribery ayaa ku eedeeyey warbaahinta dalkiisa Faransiiska inay iyagu ka dambeeyeen ku guuldarreysigiisii hanashada abaalmarinta Ballon d’Or sannadkii 2013kii.

Ribery iyo kooxdiisa Bayern Munich ayaa soo maray xilli ciyaareed aad u wanaagsan oo ay ku guuleysteen seddaxleey koobab ah oo uu ku jiro tartanka UEFA Champions League, laakiin Ribery ayaa la yaabay sababtii uu Cristiano Ronaldo ugu garaacay hanashada Ballon d’Or.

Ribery wuxuu muhiim u ahaa kooxdii Jupp Heynckes ee sida la yaabka leh u qaaday UCL iyagoo wadar ahaan 7-0 ku garaacay Barcelona heerkii semi-finalka, laba caawinaad ayuuna sameeyey, halka uu caawiye ka ahaa goolkii guusha ee Arjen Robben iyadoo Bayern Munich ay finalka ku garaacday Borussia Dortmund.

Ribery ayaa u sheegay Canal Football Club: “Marka aan soo xasuusto abaalmarintii Ballon d’Or ee sannadkii 2013kii waxaan dareemayaa sida in la iga xaday oo kale. Waa wax aan la fahmi karin sababtii aan ugu guuldarreystay hanashadeeda. Maxaa yeelay waxaan soo qaaday koob walba. Wax intaas ka badan ma sameyn karin. Caddaalad darro ayey aheyd in aanan ku guuleysan”.

Ribery ayaa xilli ciyaareedkaas 43 kulan u saftay Bayern Munich wuxuuna u dhaliyey 34 gool, halka Ronaldo oo uu soo qaaday keliya koobka Spanish Super Cup wuxuuse dhaliyey 55 gool xilli ciyaareedkaas.

Ribery oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Waxaan hubaa in uusan dalkeygu igu taageerin ku guuleysiga abaalmarinta. Waxaan labadeyda indhood ku arkay Faransiiska oo dhahaya Cristiano ayaa u qalma ku guuleysigeeda.

“Balse miyey dadka reer Portugal doonayeen in abaalmarintaan ay hantaan Ribery ama Messi? Dabcan maya. Wiilkooda ayey la doonayeen. Waa nabar aan marnaba iga bogsaneyn mana iloobi doono wixii ay igu sameeyeen warbaahinta Faransiisku”.

Ribery ayaa kaalinta seddaxaad uga dhammeystay codbixintii abaalmarinta isagoo ka dambeeyey Lionel Messi iyo Ronaldo.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan