Harry Kane oo u tilmaamay kooxdiisa Spurs waxa laga rabo inay sameyso si ay u ceshtaan

0
970

 

Weeraryahanka shabaqa saaxiibka la ah Harry Kane waxaa siweyn loola xariirinaa kooxda Real Madrid oo dooneyso inay la saxiixdaan saxaaga nagu soo fool leh.

Harry Kane maalmo ka hor kooxdiisa Tottenham waxay shaaca ka qaaday inay cayaaryahankan ku fasixi karto 300-milyan oo pound.

Kane qandaraaska uu Spurs kula jiro wuxuu ku egyahay 2022 sidoo kalena bishii October ayuu saxiixay heshiiskan cusub ee xidigaan u ogolaanayo todobaad walbo inuu kooxdiisa ka qaato £100,000.

Harry Kane wuxuu sheegay hadii kooxdiisa Spurs ay ceshaneyso inay koobab ku guuleesato isagana uu diyaar u yahay inuu kooxdiisa midaas ka caawiyo.

Kane wuxuu yiri “Waxaan rabaa Spurs inaan koobab kula guuleesato waa mida kale ee aan halkaas kusii joogi karo anigana diyaar ayaan u ahay inaan dadaalkeeda la imaado”

“Cayaaryahan walbon ayaa jecel xiligiisa ugu wanaagsan inuu koobab ku guuleesato hadii aan Tottenham ku caawin karin goolsheyda fara badan waxaa qasab igu noqon doonto inaan isbadal naadi sameeyo mustaqbalka dhow”

Hadalka Kane kasoo yeeray waa hubaal inay Real Madrid iyo kooxaha xidigaan daneenayaan saxiixiisa soo dhaweyn doonaan halka kooxda Spurs hadlka Kane ku farxi doonin.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan