WARBIXIN: Yaa yimid, Yaase ka tagay kooxaha waa weyn ee horyaalka Premier League illaa iyo haatan bishaan suuqa Janaayo?

0
1036

Iyadoo suuqa kala iibsiga xiddigaha uu furan yahay bishaan Janaayo ayaa waxaa durba ay wadaan kooxaha waa weyn horyaalka Premier League inay dhaqdhaqaaq ka sameeyaan oo ay xiddigo la soo wareegaan sidaas oo kalena xiddigo iska iibiyaan ama amaah ku dhiibaan.

Waxaa durba la la wareegay xiddigo magac leh oo lagu kala iibsaday lacago waa weyn sida Philippe Coutinho oo adduun dhan 142 milyan oo gini uga tagay Liverpool kuna biiray Barcelona iyo Virgil van Dijk oo noqday difaaca ugu qaalisan dunida markii uu 75 milyan oo gini ugu wareegay Reds.

Haddaba waxaan halkaan hoose ku eegeynaa kooxaha waa weyn sida Arsenal, Chelsea, Liverpool, Man United, Man City, Everton iyo Tottenham xiddigaha illaa iyo hadda bisha Janaayo ka tagay iyo kuwa ay la soo wareegeen.

ARSENAL: Waxa ay la soo wareegtay bishaan Konstantinos Mavropanos, kaasoo 2.2 milyan oo gini uga yimid naadiga PAS Giannina.

Illaa iyo hadda bishaan Janaayo ma jiro xiddig ka tagay kooxda Gunners, inkastoo la hadal hayo in xiddigo magac leh ay faarujin doonaan garoonka Emirates bishaan.

CHELSEA:  Waxa ay la soo wareegay Ross Barkley oo 15 milyan oo gini iyo lacago dheeri ah oo ku xirnaan doona qaab ciyaareedkiisa uga soo qaadatay Everton.

Blues wali illaa iyo hadda ma jiro xiddig ka tagay, inkastoo laga yaabo in inta lagu guda jiro bishaan ay ciyaarayahanno isaga tagaan garoonka Stamford Bridge.

EVERTON: Waxa ay la soo wareegay Cenk Tosun oo ay 27 milyan oo gini uga soo qaateen naadiga reer Turki ee Besiktas.

Toffees kooxda lagu naanayso ee Everton waxaa ka tagay bishaan saddex ciyaaryahan, waxaana ay kala yihiin Ross Barkley oo 15 milyan oo gini iyo lacago dheeri ah oo ku xirnaan doona qaab ciyaareedkiisa ay uga iibisay Chelsea.

Liam Walsh oo lacag aan qiimaheeda la sheegin uga iibisay Bristol City iyo Kevin Mirallas ay amaah ugu dirtay kooxda Olympiakos.

LIVERPOOL: Waxa ay la soo wareegtay bishaan Virgil van Dijk oo 75 milyan oo gini ay uga soo gateen kooxda Southampton, kaasoo noqday difaaca ugu qaalisan kubadda cagta.

Kooxda Reds waxaa ka tagay oo ay lumisay Philippe Coutinho kaasoo 142 milyan oo gini ay uga iibiyeen Barcelona, waxaana xiddiga reer Brazil uu noqday laacibka labaad ee ugu qaalisan kubadda cagta Adduunka.

MANCHESTER CITY: Kooxda lacagta la waalanaysa ee City bishaan Janaayo illaa iyo hadda wax ciyaaryahan ah iskama fasaxin hal xiddigna ma uusan u imaan.

MANCHESTER UNITED: Kooxda ka arrimisa garoonka Old Trafford suuqa Janaayo illaa iyo hadda ciyaaryahan kalama soo wareegin hal ciyaaryahanna weli kama uusan tagin.

TOTTENHAM HOTSPUR: Kooxda ku dheesha garoonka White Hart Lane suuqa Janaayo illaa iyo hadda ciyaaryahan kalama soo wareegin. hal ciyaaryahanna weli kama uusan tagin.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan