Arjen Robben oo ka hadlay mustaqbalkiisa cayaareed xili suuqa Yurub furan yahay

0
386

 

Ruug cadaaga kooxda Bayern Munich oo bishan 23-keeda 34-sano jirsan doono ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa cayaareed xili suuqa Yurub uu haatan furan yahay.

Robben wuxuu si rasmi ah u sheegay inuu jecel yahay sii joogista Bayern Munich qorshihiisana uu yahay inuu heshiis cusub kooxdiisa u saxiixo.

Arjen wuxuu yiri “Hadii aad i weydiisaan inaan doonayo qandaraas kordhin, haa waan doonayaa”

“Muhiim iima ahan inaan heshiis kordhin ka fikiro waayo go’aanka ugu dambeeyo maamule¬†Karl-Heinz Rummenigge ayaa iska leh, laakiin rabitaankeyga ayaan ka hadlay”

“Waxaan rabaa inaan kubada sii cayaaro heerkeeda ugu sareeyo weliba aan Bayern Munich lasii joogo madaama qoyskeyga ay halkaan ku faraxsan yihiin”

Robben oo sanadii 2009 Bayern kusoo biiray isaga iyo saaxiibkiis Franck Ribery qandaraaska ay garoonka Allianz Arena ku joogaan ayaa xagaagan ku eg waxaana la wada dhowrayaa in maamulka Munich heshiis ka saxiixi doonaan labadaan xidig ama ay wada fasixi doonaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan