Arsenal oo badalka Alexis Sanchez ka dhex heshay Ligue 1-ka France iyo qiimaha ay kusoo qaadaneyso

0
695

 

Kooxda Man City ayaa qarka u saaran inay ku dhawaaqdo heshiiska Alexis Sanchez oo ay Arsenal kasoo qaadaneyso.

Manchester Evening News ayaa qortay in Arsenal ay ku guuleesan rabto saxiixa kubad sameeye Malcom oo naadiga Bordeaux ka tirsan.

Arsenal ayaa saxiixa Malcom kaga guuleesan rabto Man United waxayna xidigaan dhalinta yar kusoo qaadaneysa 40-milyan oo pound.

Malcom ayaa soo jiitay kooxaha Yurub ugu caansan kadib markii 18-bilood ee ugu dambeesay uu bandhig heer sare ah joogteenayay, weliba si gaar ah xili cayaareedkan 21-kulan uu Bordeaux u cayaaray 7-gool ayuu dhaliyay sidoo kalena 5-kubad ayuu caawiyay.

Malcom oo 20-jir ah badalka Sanchez inuu noqdo diyaar ayuu u yahay madaama macalin Arsene Wenger xidigan boos gjoogto ah u balan qaaday.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan