Bartilmaameedka Chelsea Radja Nainggolan Iyo Kooxdiisa Roma Oo Isku Dhacay & Xiddiga Oo Dalbaday In La Fasaxo

0
708

CHELSEA ayaa kalsooni ku qabta inay la saxiixato xiddiga Roma Radja Nainggolan ka dib markii xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium uu ka careysiiyay kooxda Serie A ka dhisan.

Chelsea ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inay lasoo saxiixatay Nainggolan oo kamid ah kooxda Roma, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu ku dhawaaday inuu ku biiro Blues sannadkii 2016kii.

Kaliya wuxuu u saxiixay qandaraas cusub kooxda Serie A sannadkii hore, laakiin waxaa laga yaabo inuu ka dhaqaaqo  Stadio Olympico.

Wargeyska TransferMarketWeb ayaa sheegaya maanta oo talaado ah in Chelsea ay kalsooni ku qabto saxiixa 29 jirkaan sabab la xiriirta dagaal kala dhaxeeya maamulka Roma.

Natiijada sawirka Radja Nainggolan and usebio Di Francesco

Nainggolan ayay isku dhaceen tababare Eusebio Di Francesco kulankii ugu dambeeyay Roma la ciyaartay Atalanta.

Si kastaba ha ahaatee, Roma ayaa cadeeyn doonta haddii xiddiga khadka dhaxe lagu iibinayo lacago £ 40million iyo haddii uu sii joogayo kooxda.

Nainggolan ma ahan kaliya qadka dhexe ee lala xiriirinayo Chelsea, waxaana Blues ayaa sidoo kale xiiseyneysaa xiddiga Bayern Munich Arturo Vidal, kaasoo laga yaabo inuu ka tago Allianz Arena haddii Leon Goretzka lasoo wareegto kooxdiisa.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan