Kooxda AS Monaco oo Liverpool iyo Arsenal u sheegtay qiimaha ay ku heli karaan Thomas Lemar

0
689

 

Maamulka kooxda AS Monaco ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaadeen inay bishan Janaayo gudaheeda fasixi doonaan Thomas Lemar oo ay kooxo badan ku raad joogaan.

The Mirror ayaa qortay in Monaco Lemar ka iibin doonto Liverpool ama Arsenal hadii ay £90million diyaar la yihiin sidoo kalena qiimaha xidigaan sare ayuu usii kici doonaa marka xagaaga dambe la gaaro.

Macalin Jurgen Klopp ayaa bartilmaameed kowaad ka dhiganaayo Lemar si uu booska Coutinho u buuxiyo balse wuxuu saluugsan yahay inuu bixiyo lacagaha £90million Monaco xidigaan dul dhigtay.

Arsenal dhankeeda qiimahan xagaagii hore ayay gaareen balse diyaar uma ahan xili cayaareedka oo meel dhexe maraayo inay £90million hal cayaaryahan kusoo iibsadaan.

Sidaa darteed Lemar Premier League wuu usoo dhaqaaqi doonaa hadii Liverpool iyo Arsenal £90million bixiyaan sida maamulka Monaco maanta ka dhawaajiyeen.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan