Liverpool Oo Bedelka Saxda Ah Ee Philippe Coutinho Ka Heshay Horyaalka Talyaaniga- Yaa Imaanaya?

0
1392

Taageerayaasha Liverpool oo kasoo kabanaya guuldaradii kasoo gaartay bixitaankii Philippe Coutinho oo ku biiray Barcelona, ayaa haatan ku qancin doona naftooda saxiixa Kevin Strootman.

Strootman oo ku dhibtoonayay dhibaatooyin dhaawacyo ah xilli ciyaareedyadii lasoo dhaafay, ayaa haaatan taam noqday, isagoo 24 kulan u saftay Giallorossi xili ciyaareedkaan.

Waxa uu qarka u saaran yahay inuu ka tago Roma, iyadoo bartilmaameed rasmi ah uu u noqday Liverpool oo u aragta bedelka Philippe Coutinho.

Strootman ayaa markii hore ka sameeyay magac weyn horyaalka dalkiisa Holland, isagoo usoo ciyaaray kooxaha Utrecht iyo PSV ka hor inta uusan u dhaqaaqin Roma.

Kooxda Premier League ka ciyaara ee Manchester United ayaa horay isugu dayday saxiixa Strootman laakiin waxa uu go’aansaday inuu u adhaqaaqo Serie A.

Xiddiga reer Holland oo haatan 27 jir ah, waxa uu ku jiraa da’da saxda ah ee uu ku caawin karo tababare Jurgen Klopp kooxdiisa Liverpool.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan