Ma runbaa in Real Madrid inay tijaabo caafimaad qarsoodi ah ka qaaday Mauro Icardi

0
813

 

Warbaahinta Spain ayaa sheegtay kabtanka Inter Milan inuu tijaabo caafimaad qarsoodi ah kooxda Real Madrid u maray.

Welia sida gaar ah Diaro Gol ayaa qortay sheekadan in weeraryahankan Argentina u dhashay inuu Madrid tijaabada caafimaad si qarsoodi ah ugu maray sidoo kalena wax walbo kala heshiiyay.

Balse haatan kooxda Inter Milan iyo Mauro Icardi ayaa si rasmi ah wadajir ahaan sheekadan u beeniyeen in xidigaan tijaabo caafimaad Madrid u maray.

Inter Milan marwalbo ayay u nugushahay inay Icardi lumiso madaama qandaraaskiisa lagu jebin karo €110m welina uu ka madax adeegayo inuu heshiis cusub u saxiixo.

Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa wado dadaalo qarsoodi ah oo uu ku doonayo bishan gudaheeda labo saxiixo oo caalami ah inuu sameeyo weyna u badan tahay in Icardi qorshahan qayb ka noqon doono.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan