Miyey xaqiiq yihiin wararka sheegaya inuu Mauro Icardi tijaabada caafimaadka u maray Real Madrid?

0
945

Wakiillada weeraryahanka kooxda Inter Milan Mauro Icardi ayaa gabi ahaanba beeniyey wararka xanta ah ee sheegaya inuu xiddigaani tijaabada caafimaadka u maray naadiga Real Madrid.

Sida laga soo xigtay shabakadda Diario Gol ee dalka Spain, kabtanka kooxda Nerazzurri ayaa si qarsooni ah tijaabada caafimaadka ugu maray kooxda Real Madrid, iyadoo baaritaankaan lagula sameeyey isbitaal ku yaalla magaalada Milano. Warbixintaan ayaana sheegeysay inuu Icardi bishaan Jannaayo ku biiri doono Los Merengues.

Qandaraaska Icardi ee Inter Milan ayaa waxaa lagu burburin karaa 110 milyan oo euros, laakiin qodobkaasi wuxuu dhaqan gelayaa xagaaga soo aadan, sidaas darteed waxaa laga yaabaa inay Inter qiimo intaas ka badan ku dalbato bishaan Jannaayo.

Haatan shabakadda Goal Italia ayaa xiriir la sameysay wakiillada Icardi, kuwaasoo gabi ahaanba beeniyey sheekadaan sheegeysa inuu weeraryahankaani tijaabada caafimaadka u maray Real Madrid – waana sheeko uu qoray website-ka Diario Gol.

Inter Milan ayaana la sheegay in aysan dooneyn inay iibiso Icardi, iyadoo xitaa jeclaan laheyd inay ka saxiixato qandaraas cusub oo mushaarka loogu kordhinayo sidoo kalena lagu kordhinayo qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Marwalbana Icardi wuxuu warbaahinta u sheegaa inuu doonayo inuu sii joogo kooxda ka dhisan San Siro.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan