War cusub: Lucas Moura oo aqbalay inuu Man United ku biiro iyo halka sheekadan mareyso fiidkan

0
854

 

Shabakada Canal+ iyo Gazzetto dello Sport ayaa isla xaqiijiyeen in cayaaryahan Lucas Moura uu heshiis la garay kooxda Man United.

Kooxaha PSG iyo Man United kama heshiinin qiimaha Lucas Moura balse xidigaan wuxuu aqbalay inuu garoonka Old Trafford soo aado.

Lucas Moura ayaa kusoo kordhin karo Man United awood dheeraad ah oo dhanka garbaha ah madaama uu xawaarihiisa aad u sareeyo.

Waxayna Canal+ sheegtay in Man United xidigaan Brazilian-ka ah kusoo qaadan doonto €25m (£22.1m).

25-jirkaan kama mid ahan xidigaha uu joogtada tababare Unai Emery u adeegsado haatana waxaa balan qaad boos joogto ah u fidiyay Jose Mourinho oo rabo inuu kooxdiisa Man United awoodeeda sare u qaado.

F.G: Wixii Kasoo Kordho Warkaan Ku Saabsan Lucas Moura Inuu United La Heshiiyay Kala Soco Shabakada Gool.net…

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan