Xiddig muhiim u ah Barcelona oo u baxaya Philippe Coutinho dartiis – Arsenal iyo Liverpool ayaana doonaya

0
1332

Ivan Rakitic ayaa laga yaabaa inuu ka tago kooxda Barcelona maadaama uu ka cabsi qabo inuu lumiyo booskiisa safka koowaad, xilli ay Catalans 145 milyan oo ginni kusoo iibsatay Philippe Coutinho.

Xiddiga qadka dhexe ee qaranka Croatia Rakitic ayaa wuxuu ka mid yahay xiddigaha uu booskooda safka koowaad halista ku jiro maadaama hogaamiyeyaasha horyaalka La Liga ay lacag badan kusoo iibsadeen Philippe Coutinho.

Shabakadda Diario Gol ayaana sheegeysa inuu 29 sanno jirkaani isha ku hayo inuu ka tago Camp Nou Stadium.

Labada kooxood ee ka ciyaarta horyaalka England Premier League ee Arsenal iyo Liverpool ayaa isha ku haya inay lasoo wareegaan xiddigaan, halka difaacdeyaasha horyaalka Serie A ee Juventus ay sidoo kale dooneyso Ivan Rakitic.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan