AC Milan oo bayaan cad kasoo saartay mustaqbalka weeraryahankeeda Andre Silva

0
603

 

Andre Silva xagaagii hore ayuu kooxda AC Milan kaga soo biiray naadiga FC Porto waxayna kusoo qaateen lacago 38-milyan oo euro ah.

Balse 22-jirkan ayaa la sheegay inuu doonayo Serie A-da Talyaaniga isaga tago xili uu dalabyo ka heesto Arsenal iyo Everton.

Balse Massimiliano Mirabelli oo ah agaasimaha kooxda AC Milan ayaa sheegay in Silva kooxda beec ka ahayn magaciisana saxaafada iska hadal heyso oo kaliya.

“Waan ogahay Andre Silva inuu waqti adag ku jiro, balse waa cayaaryahan muhiim inoo ah” sidaas waxaa yiri Massimiliano Mirabelli.

Mirabbelli oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Xiriir wanaagsan ayaa nagala dhaxeeyo, waana xidig xirfadiisa aad u sareyso, sidoo kalena aan dooneyno inuu nala sii joogo”

“Dabcan bishan Janaayo wuu nala joogi doonaa sidoo kalena waxaan ku kalsoonahay sanado badan inuu nala sii joogi doono”

Silva weli gool kama dhalinin Serie A-da Talyaaniga asigoo 12-kulan xili cayaareedkan kasoo muuqday.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan