Arsenal waxay diyaar u tahay inay markaan nasiino u diidao Inter Milan mar hadii iyadana Man City wareerisay

0
901
Inter Milan's Argentinian forward Mauro Icardi reacts at the end of the Italian Serie A football match between Fiorentina and Inter Milan at The Artemio Franchi Stadium in Florence on January 5, 2018. / AFP PHOTO / ALBERTO PIZZOLI

 

Kooxda Arsenal waxay qarka u saaran tahay weeraryahankeeda Alexis Sanchez inay lumiso kuna biiro naadiga Man City.

Arsenal fadhi uma yaalo madaama ay ku guul dareesteen inay heshiis ka saxiixaan Sanchez oo qandaraaskiisa sii dhamaanayo laguna kalsoon yahay todobaadka dambe inuu City ka mid noqon doono.

Sidaa darteed wargeyska Lance ee dalka Brazil kasoo baxo ayaa qoray in Arsenal haatan diirada saartay sidii Mauro Icardi kaga soo qaadan laheyd Inter Milan.

Icardi qandaraaskiisa waxaa lagu jebin karaa 110-milyan oo euro ah waxayna Arsenal diyaarineysaa inay lacagahaan bixiso si booska Sanchez aan loo tabin.

Inter Milan walaac cusub ayaa kusoo furmay ayagoo horey kaga cabsi qabeen in Real Madrid Icardi ka qaadato haatana Arsenal ayaa wado cusub kusoo furtay oo aan la ogaan waxa ka dhalan karo.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan