Arturo Vidal oo kasoo yeeray hadal kooxda Chelsea farxad galinin

0
746

 

Cayaaryahan Arturo Vidal waxaa kasoo yeeray hadal eysan soo dhaweyn doonin kooxda Chelsea oo uu ugu horeeyo macalin Antonio Conte.

Cayaaryahan Chile u dhashay khadka dhexena kaga cayaaro kooxda Bayern Munich wuxuu yiri “Haa waan maqlay xan ila xariirineyo inaan Bayern ka tagaayo, balse waxaan 100% diirada saarayaa sidii aan Bayern ku caawin lahaa inta ka harsan xili cayaareedkan”

Arturo Vidal ayaa sidoo kale Sport1 u sheegay inuusan marnaba wakiilkiisa kala hadlin baadi goobka naadi cusub kuna qanacsan yahay noloshiisa Koonfurta Jarmalka uu ku qaadanayo.

Arturo Vidal oo 30-jir ah qandaraaska uu Bayern Munich kula jiro wuxuu ku egyahay xagaaga 2019 waxaana loo badinayaa in dhamaadka xili cayaareedkan uu kooxdiisa isaga tagi doono hadii heshiis cusub laga saxiixin.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan