Inter Milan oo dalab u dirtay Andre Schurrle iyo sheekada Ramirez waxa ka cusub

0
572
Real Madrid vs Borussia Dortmund 16/17

 

Wargeyska La Gazzetta dello Sport ayaa qoray in kooxda Inter Milan ay dalab u dirtay cayaaryahanka garbaha ka duulo ee naadiga Dortmund ka tirsan Andre Schurrle.

Inter ayaa ka faa’iideesaneyso xaalada uu ku sugan yahay Andre Schurrle oo xawaarihiisa aad u sareeyo madaama Andrea Yarmelenko booska ka xirtay.

Waxayna Inter ku kalsoon tahay cayaaryahankan Jarmalka ah inay 20-milyan oo euro ah ku heli karto inta bishan suuqa Yurub furan yahay.

Dhinaca kale cayaaryahan Ramires oo horyaalka China ka cayaaro ayaa soo dhaweeyay dalabka Inter Milan.

Ramires wuxuu yiri “Inter waa koox weyn waxaan rajeyna in wakiilkeyga wax walbo dhameestiro weli Spalletti lama hadlin laakiin diyaar ayaan u ahay inaan San Serio imaado”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan