Kevin de Bruyne oo si maldahan u xaqiijiyay in Manchester City ay heli doonto maalmaha soo socda saxiixa xidig weyn.

0
607

Kubad sameeyaha Manchester City Kevin de Bruyne ayaa u muuqda mid durba xaqiijiyay saxiixa Alexis Sanchez ee kooxdiisa kadib markii uu si hordhac ah uga hadlay sida ay noqon doonto awoodooda.

Xidigaan reer Chile ayaa la fahamsan yahay inuu qarka u saaran yahay ku biirista Man City madaama uu heshiis hordhac ah la gaaray, balse waxaa si hordhac ah awoodiisa iyo tayadiisa uga hadlay Kevin de Bruyne.

Pep Guardiola ayaa doonaya inuu xidigaan heerka caalami la midoobo madama uu kusoo maamulay Barcelona waqtigiisii ugu dambeeyay ee kooxda, markaanse wuxuu aad ula dhacsan yahay geesinimadiisa.

“Waa ciyaariyahan aad u wanaagsan, sida cad waan arki doonaa waxa ka dhici doona daaqada suuqa kala iibsiga, mana ahan wax aan ka taxadari doono kaliya”

“Hadii uu kooxda yimaado, wax ayuu kusoo kordhin doonaa kooxda” ayuu u sheegay Daily Mail xidigii hore Chelsea.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan