Paris Saint Germain oo kusoo biirtay loolanka daafaca bidix ee ugu fiican talyaaniga – Man United & Chelsea ayaa horay u doonayay.

0
387

Paris Saint Germain ayaa lagu soo waramayaa iney kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa daafaca bidix ee Juventus Alex Sandro, kaas oo sidoo kale ay doonayaan kooxaha Chelsea iyo Man United.

Chelsea ayaa si daran xooga u saartay saxiixa xidigaan xagaagii laga soo gudbay, balse wuxuu go’aansaday inuu sii joogo Turin, sidoo kalana Red Devils ayaa si hoose loola xiriiriyay walow aysan xooga saarin.

Si kastaba xidigaan aan wali saxiixin heshiis cusub, taasna waxey cirka galisay wararka xanta ah ee mustaqbalkiisa iyadoo haatan kooxda horyaalka faransiiska hogaamineysa ay kusoo biirtay.

calciomercato.com ayaa lagu baahiyay in Paris Saint Germain ay sugi doonto ilaa xagaaga madama ay 222 Malyan oo Euro kusoo iibsatay Neymar Junior, sidoo kalana ay amaah ku heshay Mbappe oo ay ka bixin doonto 180 Malyan oo Euro.

Iyadoo ay taasi jirto PSg waxey beecin doontaa Angel di Maria, Lucas Moura, Draxler iyo Javier Pastore si ay uga badbaado xeerka dhaqaale wanaagga isla markaana xidigo cusub u keento oo uu ku jiro Sandro.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan