Wararkii Ugu Dambeeyay Heshiiska Xiddiga PSG Lucas Moura Ugu Biirayo Kooxda Manchester United

0
1150

Manchester United ayaa xiiso u qabta xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain Lucas Moura, waxaana haatan meeel wanaagsan maraya wadahadal ay la leeyihiin wakiilkiisa.

Moura ayaan ku bilaaban kulan katirsan horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedkan, waxaana uu ciyaaray kaliya isku dar hal saac lixdii kulankii ugu dambeysay kooxdiisa.

Sky Sports News ayaa fahamsan in PSG ay dooneyso inay iska iibiso 25 jirkaan, kaasoo dalban doona inuu u dhaqaaqo kooxda Manchester bUnited.

United ayaa hore loola xiriirinayay xiddiga garabka kaga ciyaaara Inter Milan Ivan Perisic , laakiin ma aysan awoodin inay heshiis la gaaraan kooxdiisa.

PSG oo ka carareysa in ay ku dhacdo sharciga dhaqaale wanaaga suuqa ee (Fair Play) ayaa diyaar u ah in ay ciyartooy iska iibiso bishan January.

PSG ayaa dhaqaale badan ku bixisay heshiiska Neymar, iyadoo Kylian Mbappe ay si toos ah ula wareegi doonto bisha Agoosto.

Moura oo ka yimid Sao Paulo xagaagii 2012kii, ayaa doortay PSG oo bixisay qiimo £ 35m, waqtigaasoo uu bartilmaameed xoogan u ahaa Manchester United.

Ilo wareedyo ku sugan Faransiiska ayaa u sheegay Sky Sports News in PSG ay sidoo kale dhegeysan doonto  dalabyada u imaanaya xiddigaha khadka dhexe ee Javier Pastore iyo Angel Di Maria.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan