Wararkii Ugu Dambeeyay: Real Madrid Oo Saacadaha Soo Aadan 99 Milyan Oo Ginni Ku Dhameystireysa Saxiixa Xiddig Weyn- Heshiiska Waa La Isku Raacay

0
4546

Real Madrid ayaa baahi weyn u qabta weeraryahan cusub, waxaana ay diyaar u yihiin inay jebiyaan bangigooda si ay u helaan saxiixa xiddig magac leh.

Kooxda reer Spain ayaan dooneynin inay sii wadato Karim Benzema, iyadoo u dhaqaaqi doonta saxiixa weeraryahan kale inta lagu jiro bishaan.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Express, Real Madrid ayaa soo bandhigtay lacagta lagu burburin karo qandaraaska Mauro Icardi.

Weeraryahanka reer Argentina ayaa tijaabada caafimaadka u maraya kooxda maalmaha soo aadan sida lagu sheegay warbixinta.

Icardi waxaa lagu burburin karaa qandaraaskiisa Inter Milan 99 milyan oo ginni, waxaana uu kula jiraa kooxdiisa heshiis ilaa July 2018ka ah.

Sawirka la xidhiidha

Real Madrid ayaa caafimaadka marsiin doonta waqti hore Icardi sida ay qortay maanta oo arbaco ah majaladda Daily Express.

Kooxda reer Spain waxa ay bixin doontaa qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa oo ah 99 milyan oo ginni, waxaana la rumeysan yahay in ay aqbali doonto Inter Milan.

Marka laga reebo Real Madrid, Chelsea iyo Manchester United ayaa sidoo kale lala xiriirinayay Icardi oo qaab ciyaareed sare kujira.

Xiddiga reer Argentine ayaa mar hore iska diiday qorshe uu ugu dhaqaaqi lahaa kooxda Barcelona ee ka dhisan horyaalka la Liga Spain.

Icardi wuxuu saxiix cajiib ah u noqon doonaa kooxda Real Madrid, iyadoo xiddiga reer Argentine loo arko bedelka saxda ah ee Benzema.

Taageerayaasha ayaa si toos ah u codsanayay weeraryahan cusub oo bedela Benzema oo kaliya dhaliyay laba gool oo La Liga ah xili ciyaaareedkaan.

Alvaro Morata ayaa loo arkayay bedelka weeraryahanka France, laakiin ciyaaryahanka reer Spain ayaa go,aansaday inuu u dhaqaaqo Chelsea.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan