LAMA FILAAN: Xiddiga Real Madrid Ronaldo Oo Doonaya Inuu La Shaqeeyo Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp

0
1386

Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa soo dhaweyn doona haddii tababare Jurgen Klopp lagu bedelo Zinedine Zidane.

Zidane ayaan la hubin mustaqbalkiisa Real Madrid, iyadoo kooxda horyaalka La Liga ay haatan ka fiirsaneyso bedelkiisa.

Los Blancos ayaa kujirta xaalad ada iyadoo 16 dhibcood ka dambeysa Barcelona oo hogaamineysa La Liga.

ka dib markii ay barbaro 2-2 ah Copa del Rey la gashay kooxda Numancia xalay, Zidane ayaa shaaca ka qaaday inuusan hubin mustaqbalkiisa kooxda.

Wargeyska Don Balon ayaa sheegaya in Ronaldo uu doonayo inuu Real Madrid lasoo wareegto tababaraha kooxda Liverpool Klopp.

Macalinka Jarmalka ayaa Liverpool ka dhigay mid ka mid ah kooxaha ugu adag horyaalka Premier League.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan