Liverpool Oo Dib Usoo Celineysa Xiddig Saddex Sanno Ka Hor Ka Dhaqaaqay Si Uu Unoqdo Bedelka Philippe Coutinho

0
1639

Ka dib markii uu kasoo wareegay Philippe Coutinho oo ugu biiray Barcelona 160 milyan oo ginni, islamarkaana ​​laba jibaar lacagtii ay kusoo iibsadeen Virgil Van Dijk heleen, Liverpool ayaa dooneysa inay weerarka iska sii xoojiso inta ka dhiman suuqa kala iibsiga bishaan.

Liverpool Echo ayaa sheegeysa in Jurgen Klopp iyo agaasimaha kooxda ay raadinayaan bedelka Coutinho, iyadoo dib usoo celineysa ciyaaryahankii hore ee reer Spain Suso, kaasoo haatan u ciyaaraya AC Milan.

AC Milan ayaa horay ugu wargelisay Liverpool inaysan dooneynin inay iibiso ciyaaryahanka oo Rossonero ku biiray seddex sanno markaasoo ay kusoo qaateen 1 milyan euro oo kaliya.

Ciyaaryahanka ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inuu ka shakisan yahay mustaqbalkiisa AC Milan haddii aysan usoo bixin tartanka Champions League-ga, iyadoo kooxda reer Talyaani ay dooneyso lacago u dhaxeya 40-50 milyan oo ginni haddii uu tagayo xagaagan.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan