Pep Guardiola oo kulanka Liverpool looga baahan yahay inuu dhigo rikoor ay Man City ku fashilantay muddo 15 sanno ah!

0
1326

Manchester City kuma aysan soo adkaan garoonka kooxda Liverpool ee Anfield Road ciyaar ka tirsan horyaalka England Premier League ku dhowaad muddo 15 sanno ah, tababare Pep Guardiola ayaana waxaa u yaalla shaqo adag marka ay hogaamiyeyaasha horyaalka EPL booqdaan garoonka Liverpool Axadaan.

Man City ayaa laga adkaaday 14 kulan oo ka mid ah 20 kulan oo ay wajahday kooxda Liverpool tan iyo markii uu horyaalka Ingiriisku ku bilowday magaca Premier League ciyaaraha ka dhaca Anfield Road.

Guusheeda keliya ee garoonka Anfield Road ay kaga gaartay Liverpool ciyaaraha EPL waxay timid bishii May sannadkii 2003dii, waxayna ciyaartaas ku badisay 2-1, laakiin waqtigaas garabka kooxda Man City Leroy Sane wuxuu jiray 7 sanno.

Intii lagu jiray mudadaas, Manchester City ayaa guuldarradii ugu cusleyd kala kulantay kooxda Reds bishii October 1995tii, markaasoo Ian Rush iyo Robbie Fowler ay min laba gool dhaliyeen, Jamie Redknapp iyo Neil Ruddock ay min hal jeer shabaqa soo taabteen ciyaartaasna Sky Blues ayaa 6-0 looga adkaaday.

Guud ahaan, Man City ayaa 40 gool looga dhaliyey Anfield Road ciyaaraha EPL tan iyo 1992dii, iyadoo ku dhalisay keliya 17 gool, waxaana looga adkaaday garoonkaan kulan walba oo ay ku ciyaartay tan iyo xilli ciyaareedkii 2013 illaa 2014, inkastoo xaqiiqadu tahay in marwalba ay ku dhammeysaneysay meel ka sarreysa Liverpool.

Xilli ciyaareedkaan, kooxda Pep Guardiola ayaan dhinaceeda dhulka la dhigin kulamada Premier League iyadoo 15 dhibcood oo nadiif ah hogaanka ku heysa, waxaana xusid mudan inay badisay 20 ka mid ah 22 kulan oo ay ciyaartay, waxay dhalisay 64 gool waana kooxda horyaalka ugu goolasha badan, iyadoo laga dhaliyey 13 gool waana kooxda horyaalka ugu difaaca adag.

Balse Guardiola waxaa looga baahan yahay inuu soo afjaro 15ka sanno ee aysan Man City kusoo adkaan Anfield Road – iyadoo wiilasha Jurgen Klopp ay dhaarsan yihiin ka dib guuldarradii 5-0 aheyd ee ay kala kulmeen Man City kulankii bishii September ee sannadkii tegay ka dhacay garoonka Etihad Stadium.

Guushaas ayaa aheyd middii ugu weyneyd ee ay taariikhda Man City ka gaarto Liverpool tartamada oo dhan minan ama marti.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan