Alexis Sanchez oo jawaab lama filaan ah siiyey tababaraha Man United Jose Mourinho kaasoo isku deyey inuu ka afduubto Man City

0
2907

Weeraryahanka kooxda Arsenal Alexis Sanchez ayaa ku gacan seyray tababaraha Manchester United Jose Mourinho kaasoo doonayey inuu saxiixiisa ka afduubto kooxda Manchester City.

Warbaahinta England, ayaa shalay daaha ka qaaday in Manchester United ay kusoo biirtay isku diyaarineyso inay 25 milyan oo ginni oo kaash ah oo lagu daray xiddiga qadka dhexe ee ku fadhiya 30ka milyan oo ginni Henrikh Mkhitaryan ay ku dalbato weeraryahanka kooxda Arsenal Alexis Sanchez kaasoo isha ku haya inuu baxo.

Ujeedka Manchester United ayaana ahaa inay saxiixa xiddigaan uga adkaato kooxda ay deriska yihiin ee Man City.

Si kastaba h ahaatee, Alexis Sanchez ayaa iska diiday qorshaha Jose Mourinho, inkastoo ay Man United Isbuucii mushaar ahaan ugu ballan qaaday 275 kun oo ginni.

Alexis Sanchez, oo 29 sanno jir ah ayaa daaha laga qaaday inuu keliya doonayo inuu ku biiro kooxda tababare Pep Guardiola ee Man City.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan