Arsene Wenger oo markii ugu horreysay qirtay inay Arsenal iibineyso Alexis Sanchez, balse waa hadii ay arrintaani dhacdo!

0
818

Tababare Arsene Wenger ayaa wuxuu markii ugu horreysay qirtay in kooxdiisa Arsenal ay diyaar u tahay inay iibiso weeraryahanka reer Chile Alexis Sanchez, laakiin Wenger wuxuu xujo ka dhigay inay Gunners marka hore soo hesho bedelka Alexis Sanchez.

Hogaamiyeyaasha horyaalka England Premier League ee Manchester City ayaa kalsooni ballaaran ku qabta inay inta lagu jiro bishaan Jannaayo gacanta kusoo dhigi karto Alexis Sanchez, halka Manchester United ay sidoo kale kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa xiddigii hore ee kooxda Barcelona.

Tababaraha Arsenal Wenger ayaa wuxuu haatan diiday inuu ka hadlo kiiskaas, balse wuxuu bedelay aragtidiisii ku aadaneyd mustaqbalka Sanchez isagoo saxaafadda la hadlay saakay oo Jimco aheyd.

Maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga ee xagaagii lasoo dhaafay, Arsenal ayaa iska diiday dalab 60 milyan oo ginni ah oo ay Man City kasoo gudbiday xiddigaan, maadaama aysan soo helin bedelkiisa, waxaana waqtigaas diiradda u saarnaa xiddiga kooxda AS Monaco Thomas Lemar.

Haatan Arsenal waxay raadineysaa bedelka Sanchez, iyadoo maalmihii ugu dambeeyey si weyn loola xiriirinaayey weeraryahanka reer Brazil Malcom, tababare Wenger ayaana daaha ka qaaday inay Arsenal haatan meel wanaagsan marsiineyso qorsheyaasheeda ku aadan keenista bedelka Sanchez.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan