CR7 oo heshiis qarsooni ah la gaaray kooxda xigta ee uu ku biirayo xilli Neymar JR uu codsi u diray Real Madrid

0
2309

Wakiilka Cristiano Ronaldo ee lagu magacaabo Jorge Mendes ayaa wuxuu wadahadallo kula jiraa kooxda Paris Saint-Germain ee dalka Faransiiska isagoo kala hadlaya suurtogalnimada ku aadan inay la saxiixdaan superstar-ka kooxda Real Madrid, sida ay qorayaan warbaahinta Spain.

Cristiano Ronaldo ayaa xilli ciyaareed xun la qaadanaya Real Madrid, isagoo keliya afar gool ka dhaliyey horyaalka La Liga fasal ciyaareedkaan, waxaana si xoogan isku soo tarayey warar sheegaya in uusan 32 sanno jirkaani ku faraxsaneyn kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu taasoo diiday inay ka saxiixato qandaraas cusub oo uu mushaar badan ku qaadanayo.

Kabtanka xulka Portugal Ronaldo ayaa dalbaday in Real Madrid ay siiso mushaarka uu Neymar JR ka qaato PSG oo kale. Shabakadda Don Balon ee dalka Spain ayaana haatan qoreysa inuu xiddigaani kusii jeedo kooxda jeebka weyn ee Paris Saint-Germain, isagoo si degdeg ah uga tegaya Los Blancos maadaama ay raadineyso Neymar.

Warbixintaan ayaa xitaa sheegeysa in laacibkii hore ee Manchester United uu qandaraas qarsooni ah u saxiixay PSG. Wakiilka Ronaldo ee lagu magacaabo Jorge Mendes ayaana haatan la hadlaya PSG si heshiiskaan ay degdeg ugu dhammeyso.

Dhanka kale, laacibkii hore ee kooxda Barcelona Neymar JR ayaa lagu soo waramayaa inuu farriin u diray maamulka Real Madrid isagoo ka codsanaya inay si degdeg ah u dhammeeyaan heshiiska uu dib ugula soo laaban doono horyaalka La Liga.

Neymar ayaana si shaqsi ah u doonaya ku biirista Real Madrid oo laba jeer ku fashilantay saxiixiisa.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan