Eden Hazard oo shaaca ka qaaday sababta uu kaga xumaaday in Philippe Coutinho uu isaga tago Liverpool

0
2381

Eden Hazard ayaa shaaca ka qaaday in Philippe Coutinho uu yahay ciyaariyahan cajiib ah sidoo kalana ka tagistiisa Liverpool ay tahay wax u xun horyaalka Premier League.

Xidiga reer Brazil ayaa ku tagay Barcelona aduun dhan 142 Malyan oo Pound, isagoo soo afjaray shan sano oo uu joogay garoonka Anfield Road, wuxuuna ka mid ahaa ciyaartoyda ugu fiican ee horyaalka sida uu qabo Eden.

Kabtanka qaranka Belgium wuxuu shaaca ka qaaday inuu aad uga xumaaday ka tagista Philippe Coutinho ee horyaalka Premier League isla markaana ay tahay wax u xun horyaalka oo dhan.

“Isaga wey u fiican tahay, balse wey u xun tahay Premier League sababtoo ah waa mid ka mid ah xidigaha ugu fiican horyaalka” ayuu yiri Eden isagoo la hadlayay Sky Sports.

“Waa xidig fiican, wax badan ayaan wada ciyaarnay, waa ciyaariyahan cajiib ah, wuxuu doortay Barcelona, xaqiiqdii maahan dooq xun, anigaba waan doonayaa inuu noqdo mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican dunida isla markaana uu ku raaxeyst waxa uu sameyn karo”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan