HT – Barcelona oo si lama filaan ah afar gool qeybta hore ku marisay kooxda Celta Vigo kulanka lugta labaad ee Copa del Rey

1
969

Barcelona ayaa si lama filaan ah qeybta hore ciyaarta afar gool uga dhalisay Celta Vigo kulan ka tirsan wareega 16-ka Copa del Rey, waxaana goolasha kala qeybsaday Lionel Messi, Luis Suarez iyo jordi Alba.

Barcelona ayaa bilowday bandhigga goolasha markii uu Lionel Messi kubad qurux badan shabaqa gaarsiiyay, Jordi Alba ayaa dhinac kasoo caawiyay, wuxuuna si dhul ku dhufasho ah ugu aadiyay goolka taasoo keentay inuu goolhayaha badbaadin waayo.

Laba daqiiqo kadib mar kale ayuu Lionel Messi shabaqa gaaray, kubad hal iyo laba ah ayuu la ciyaaray Jordi Alba, mar kale ayuuse lugta bidix si tartiib ah ku dhaliyay gool.

Jordi Alba ayaa dhaliyay goolka sadexaad ee ciyaarta, wuxuu caawinaad meel aan la maleysan karin ah ka helay LionelĀ  Messi, si cajiib ah ayuuna u dhameystiray.

Goolka afaraad ee Barcelona waxaa caawintiisa lahaa Sisto oo ka tirsan Celta Vigo kubad uu goolhayaha u baasay waxaa dhexda ka qabsaday Suarez oo gool u badalay.

Qeybta dambe ayaa la sugi doonaa iyo wixii ay la yimaadaan.

SHARE

Hal aragti

  1. wlloyaal iska hagaajiya meesha dad badan ayaan idinku idhan Hab woraal iyo muqalba Ta kale warbixin ayaad qoraysan waxad odhonaysaan halkan wax ka eeg wax mayalaan mida kale Shabakada dhisayn keeda iska Hagaajiys wabillahi Tawfiiq

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan