KASHIFAAD: Real Madrid oo la ogaaday iney diyaarisay dalab dhan 250 Malyan oo Euro si ay ula soo wareegto Lionel Messi – Waa goorma?

0
1663

Real Madrid ayaa isku dayday iney mar bixiso qiimaha lagu jabin karo heshiiska Lionel Messi si ay soo wariyeen mid ka mid ah shabakadaha hoos taga shabakadda EIC oo ah urur ay ku midoobeen dhawr majaladood sidoo kalana ay ka shaqeyaan wariyayaal baaritaanka ku xeel dheer.

Qareenka xidigaan reer Argentina ayaa wakiilka xidigaan oo ah aabahiis Jorge Messi ku wargaliyay xiisaha Real Madrid, hadii la dhameeyana uu noqon doono rikoorka dunida kubadda cagta.

Spiegel oo xubin ka ah ururka EIC ayaa ku waramay in lacagta ay Madrid diyaarisay ay aheyd aduun dhan 250 Malyan oo Euro.

Ujeedada Los Blancos waxey aheyd iney bixiyaan aduun dhan 23 Malyan oo Euro sanadkii ilaa sanadka 2021, sidoo kalana ay bixiyaan hal Malyan oo Euro oo ay u qoondeeyeen aabahiis Jorge.

Los Blancos oo dalabkaas ka jawaabeysa goor sii horeysay: “Warbixinadaan waa mid aan si dhab ah u waafaqsaneyn xaqiiqada, waana been abuur”

Sidoo kale waxaa lasoo bandhigay macluumaad ku saabsan sidii ay Los Blancos isugu dayday heshiiskaan.

Kulanka looga arinsaday wuxuu ka dhacay diyaarad qaas ah, waxaa Lionel Messi matalay qareenkiisa Inigo Juarez, Florentino Perez, agaasimahii ciyaaraha kooxda Miguel Pardeza iyo sidoo kale qareen ka socday Madrid.

Spiegel waxey sidoo kale hoosta ka xariiqday in Juarez uu Jorge Messi u sheegay in Real Madrid ay ka balan qaaday iney cadaadis saari doonaan Rajoy, si dhacdada kiiska canshuuraha looga yareeyo.

Dhacadaan waxey dhacday sanadkii 2013 ka hor inta aysan Real Madrid heshiiska suuqa u jabin Gareth Bale.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan