Macallin Antonio Conte oo irdaha u furay inuu xiddigan amaah kaga tago bishaan kooxda Chelsea

0
1240

Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Antonio Conte ayaa soo jeediyey inuu ku faraxsanyahay inuu siiyo war u wanaagsan naadiga Schalke 04  oo ay kula saxiixan karaan Baba Rahman heshiis lix bilood oo amaah ah.

Rahman ayaa garoomada ka maqnaa muddo 12 bilood ah kaddib dhaawac halis ah oo jilibka ka gaaray, laakiin agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Schalke, Christian Heidel in labada kooxood ay ka wada hadlayaan sidii ay heshiis ku meel gaar ah ugu qaadan lahaayeen difaacan bidix.

Chelsea ayaa doonaysa inay sii haysato difaacan, laakiin tababare Conte ayaa sheegay inaysan wax dhibaato ah lahayn haddii ciyaaryahanku uu dib ugu laabto dalka Jarmalka.

48-sano jirkaan ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Baba waxa uu ka soo kabsanayaa dhaawac xun, aniga suurtagal iima ahayn inaan tababarka kula kulmo isaga, hal ama labo jeer, laakiin isagu diyaar uma ahayn inuu qaato tababarka buuxa.”

“Waxay noqon kartaa fursad xiiso u leh ciyaaryahan si uu ugu soo kabasado, haatan waa uu soo kabsanayaa, isagu waqtigan diyaar uma ahan inuu ciyaaro, haddii uu rabana waa uu nala joogi karaa oo shaxdeenna waan ku sii haysan karnaa.”

Intii lagu guda jiray waqtigiisii Schalke, Rahman ayaa saftay 20 kulan intii lagu jiray qeybtii hore ee xilli ciyaareedkii 2016-17.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan