RASMI: Harry Kane oo ku guuleystay abaalmarinta Xiddiga bisha EPL, xilli Jermain Defoe isna la abaalmariyey

0
246

Weeraryahanka kooxda Tottenham Hotspur Harry Kane ayaa loo magacaabay Laacibkii bishii December ee sannadkii tegay ugu fiicnaa horyaalka England Premier League.

Gooldhaliyaha reer England Kane ayaa loo doortay abaalmarinta England Premier League Player of the Month ka dib markii uu qaab ciyaareed sarre soo bandhigay intii lagu jiray bishaas.

Xiddiga kooxda Tottenham Kane ayaa markii labaad xilli ciyaareedkaan 2017 illaa 2018 loo magacaabay Xiddiga bisha EPL – isagoo sideed gool dhaliyey lix kulan oo uu ciyaaray bishii December.

Kane ayaa laba gool ka dhaliyey kooxda Stoke City, ka hor inta uusan laba kulan oo xiriir ah seddaxleey dhalin ciyaarihii ay Tottenham wajahday Burnley iyo Southampton.

Kane ayaa sidoo kale bishii lasoo dhaafay wuxuu jebiyey rikoorkii halyeeyga Newcastle United iyo xulka England Alan Shearer ee goolasha ugu badan ee hal sanno laga dhaliyey horyaalka England Premier League.

Dhanka kale, Jermain Defoe ayaa ku guuleystay abaalmarinta goolkii ugu qurxoonaa ee laga dhaliyey horyaalka EPL bishii December, waana goolkii uu dhaliyey ciyaartii ay kooxdiisa Bournemouth barbardhaca 2-2 ah la gashay kooxda Crystal Palace, isagoo bartamaha garoonka shabaqa kasoo toogtay.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan