RASMI: Xiddigii Arsenal ee Francis Coquelin oo ku biiray kooxda Valencia.. + SAWIRRO

0
482

Kooxda kubadda cagta Valencia ayaa xaqiijisay inay dhammaytirtay saxiixa laacibkii khadka dhexe ee Arsenal Francis Coquelin, kaasoo si rasmi ah haatan uga mid noqday naadiga reer Spain.

Khamiistii macallinka kooxda Gunners ee Arsene Wenger ayaa xaqiijiyey in Coquelin uu wadahadallo horumarsan kula jiro kooxda ka dheesha horyaalka La Liga, kaasoo ay ku iibsan doonaan 12 milyan oo Gini.

Xiddiga reer France ee Coquelin waxa ay kooxda Valencia kula wareegtay adduun dhan 10.6 milyan oo gini.

Warbixin lagu qoray website-ka rasmiga ah ee kooxda ayey Valencia ku xaqiijisay in 26-sano jiraan uu qalinka ku duugay heshiis afar sanadood iyo bar ah, iyadoo sidoo kalena qandaraaskiisa lagu burburin karo 71 milyan oo gini.

Coquelin ayaa ku dhawaad 10 sanadood ku qarash gareeyey kooxda Arsenal, isagoo wadar ahaan 159 kulan u saftay tartammada oo dhan intii uu joogay kooxda ka dhisan Waqooyiga London.

Ciyaaryahankan ayaa kulankiisa ugu horreeya safan kara, marka ay kooxdiisa cusub ee Valencia wajahayso Sabtida naadiga Deportivo La Coruna.

SAWIRRO:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan