VIDEO: Labo ka mid ah xiddigaha Man United oo la soo bandhigay, iyagoo quudinaya Shabeel Cad…+ SAWIRRO

0
1075

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa ay ku sugnayd magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta halkaasoo ay cimilada kulul ku qaadanayeen tababar.

Intii lagu guda jiray tababarkoodii ugu dambeeyey ee ay ku qaadanayeen halkaas, waxaa la arkay labada ciyaaryahan ee Manchester United Paul Pogba iyo Jesse Lingard oo quudinaya Shabeel Cad.

Labadan ciyaaryahan ayaa iyagoo aan wax cabsi ah ka muuqan waxa ay dhalo caano ku jiraan gacantooda ku siinayeen Shabeel yar oo midabkiisu caddaan yahay, waxaana muuqaal laga soo duubay sheekadaas bartiisa Instagram-ka soo dhigay Lingard.

Kooxda lagu naanayso The Red Devils ee Man Utd ayaa garoomada ka soo muuqan doonta marka ay maalinta Isniinta ah ee todobaadka soo socda la ciyaarayaan naadiga Stoke kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

SAWIRRO:

VIDEO:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan