Xilliga ay Real Madrid dhammeystireyso heshiiska Neymar JR oo la ogaaday, miyuuse Cristiano Ronaldo ka qeyb noqon doonaa?

0
1686

Real Madrid ayaa indhaha ku heysa inay lasoo wareegto Neymar JR dhammaadka xilli ciyaareedka soo aadan, sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya dalka Spain.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil ayaa lala xiriirinayey inuu kusoo laaban dono horyaalka La Liga tan iyo markii uu ka tegay Barcelona xagaagii lasoo dhaafay.

Sida ay ku warameyso majaladda Marca, maamulka Los Blancos ayaa aaminsan inay Neymar gacanta kusoo dhigi karaan sannadka 2019ka oo ay heshiiskiisa soo gabagabeyn karaan.

Xitaa maamulka kooxda Real Madrid waxay doonayaan in aysan xumeyn xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya milkiileyaasha kooxda Paris Saint-Germain.

Maxaa yeelay maamulka kooxda PSG ayaa waqti xaadirkaan ka careysan sida ay Real Madrid kalsoonida ugu qabto inay dhammeystiri karto saxiixa Neymar, oo noqon kara mid ka mid ah heshiisyadii ugu muranka badnaa kubadda cagta.

Ugu dambeyntii, Real Madrid ayaa kalsooni ballaaran ku qabta inay heshiis rikoorka adduunka noqon doona dhammaadka xilli ciyaareedka soo aadan kula soo wareegi karto Neymar, waxaana laga yaabaa inay Cristiano Ronaldo u adeegsato qeyb weyn oo ka mid ah heshiiskaan.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan