Arsenal oo xujo adag hordhigtay Manchester United si uga uga iibiso xiddiga reer Chile Alexis Sanchez

0
1649

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay gacanta kusoo dhigto weeraryahanka kooxda Manchester United Anthony Martial.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Star ee dalka England, maamulka kooxda Arsenal ayaa xujo uga dhigay Man United inay Martial ku siiyaan qeyb ka mid ah heshiiska Alexis Sanchez uu ku imaanayo Manchester United.

Tababaraha Gunners Arsene Wenger ayaa wuxuu doonayaa inuu helo bedelka Alexis ka hor inta uusan xiddiga reer Chile ka tegin FLY Emirates Stadium, waxaana uu Wenger aaminsan yahay inuu xiddiga reer France Martial noqon kara bedelka ugu habboon ee laacibkii hore ee Barcelona.

Si kastaba ha ahaatee, mamulka Man United ayaa ka cago jiidaya inay diraan Martial.

Bedelkeedana, Man United waxay dooneysaa in Arsenal ay siiso daafaca reer England Chris Smalling maadaama Arsenal ay sidoo kale u baahan tahay daafac dambeedka dhexe ah si ay uga soo qaataan Alexis Sanchez.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan