DEG DEG: Qoyska Alexis Sanchez oo soo gaaray London, xilli xiddigu isku diyaarinayo inuu ka tago kooxda Arsenal

0
2068

Qoyska Alexis Sanchez ayaa maanta soo gaaray Magaalada London ee caasimadda Wadanka Ingriiska, iyadoo xiddiga xulka qaranka Chile uu isku diyaarinayo inuu ka tago kooxdiisa Arsenal.

Shabakadda ciyaaraha ee Goal.com ayaa rumeysan in heshiiska uu Alexis Sanchez uga tagayo garoonka Emirates uu dhacayo bishaan, iyadoo qoyska xiddigan ay maanta soo gaareen London.

29-sano jirkaan ayaa waxaa saxiixiisa ku dagaalmaya labada kooxood ee ka wada dhisan Magaalada Manchester ee Manchester City iyo Manchester United.

Kooxda Man United ayaa goor dambe si dar dar ah ku soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa Sanchez, laakiin waxaa la rumeysan yahay in ciyaaryahankii hore ee Barcelona uu doonayo inuu u dhaqaaqo garoonka Etihad, halkaasoo uu joogo tababarihiisii hore ee Pep Guardiola.

Arsenal ayaa doonaysa in gacanta loo geliyo 35 milyan oo giniga istarliinka ah si ay u fasaxdo bishaan Sanchez, halka wakiilka ciyaaryahan ee Fernando Felicevich uu codsanayo in la siiyo 5 milyan oo gini uu u dhammaystiro heshiiska.

Lama oga illaa iyo hadda kooxda uu ku biirayo Sanchez, labada Manchester, laakiin waxaa la rumeysan yahay inay uga dhammaatay Arsenal oo uu ka tagayo inta lagu guda jiro maalmaha yar ee ka harsan bishaan.

Sanchez walaalkiisa ka weyn ee Humberto oo ay wehliyaan dhowr xubnood oo ka tirsan qoyskiisa ayaa maanta ka soo dagay garoonka diyaaraha Heathrow ee caasimadda Ingiriiska, iyadoo ciyaaryahanku isku diyaarinayo inuu ka tago Arsenal.

Dhinaca kale tababaraha kooxda Arsenal ee Wenger oo ka hadlayey xaaladda ciyaaryahankan ayaa shirkiisii shalay oo Jimce ahayd Suxufiyiinta ugu sheegay: “Waxay u eg tahay in Sanchez uusan kordhin doonin qandaraaskiisa.”

“Laakiin waxaan dooneynaa inaan sii haysanno Jack Wilshere, haddii aan helno fursad aan ku sii heysano Mesut Ozil waan sii ceshan doonaa, dib u dhisku wuxuu noqon doonaa mid qoto dheer, marka laga reebo dhammaan saddexda ciyaaryahan.”

Wixii ku soo kordha xaaladda Sanchez kala soco mar walba Gool.net…

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan