Half Time: Kooxaha Chelsea iyo Leicester City oo barbaro ku kala nastay kulanka ka socda Stamford Bridge, xilli Blues uu ka dhaawacmay..  

0
407

Kooxaha Chelsea iyo  Leicester City ayaa ku kala baxay barbaro goolal la’aan 0-0 qeybta hore kulanka ka soconaya garoonka Stamford Bridge ee ka tirsan horyaalka Premier League.

Kulankan Chelsea waxaa kaga dhaawacmay Kabtankeeda Gary Cahill, kaasoo garoonka laga saaray daqiiqaddii 33-aad kaddib markii uu soo gaaray dhaawac muruqa dambe ee bowdada ah, waxaana lagu bedelay Andreas Christensen.

Waxaa kulankan fursado dhowr ah oo ay hoggaanka ku qaban kartay iska khasaarisay Leicester City, iyadoo Chelsea qudheedu heshay fursado laakiin koox shabaqa tagtay ma jirto ilaa iyo hadda qeybta hore ee ciyaartan ayaana lagu kala nastay barbaro 0-0.

Kooxaha kale ee haatan ciyaaraya Premier League iyo natiijooyinka ay ku kala nasteen qeybta hore hoos ka eeg:-

HT Crystal Palace 1 – 0 Burnley

HT Huddersfield Town 1 – 1 West Ham United

HT Newcastle United 0 – 0 Swansea City

HT Watford 0 – 2 Southampton

HT West Bromwich Albion 1 – 0 Brighton & Hove Albion

Haddaba la soco natiijooyinka qeybta labaad ee kulamadan ay ku dhammaadaan…

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan