James Rodriguez oo dhaawaca macalin Zidane cusbo sii mariyay!

0
2260

 

Lix bilood ayaa kasoo wareegatay markii James Rodriguez uu kooxda Real Madrid isaga tagay kuna biiray Bayern Munich haatana go’aankaas wuxuu noqday mid sax sanaa.

Waana isla mudada uu macalin Zidane dhibaatada bartana kaga jiro sidoo kalena ay ku qaadatay inuu fahmo muhiimada uu James kooxdiisa u lahaa.

Hada Zidane waa dhibane qof walbana wuu iska hilmaamay inuu labo Champion xariir ah Real Madrid u qaaday intaasna waxaa usii dheer in haatan 16-dhibcood hogaanka La Liga Barcelona kaga heyso.

James Rodriguez wuxuu sheegay inuu jeclaa sii joogista Real Madrid balse uu macalin Zidane ka dareemay inuusan u baahneyn.

James wuxuu yiri “Hada taageerayaasha waxay macalin Zidane weydiinayaan sababtii uu aniga iyo Morata inoo fasaxay, jawaab kale ma haayo oo aan ahayn inuu tiisa kusii dhagnaado!”

James waqti wacan wuxuu la qaadanayaa kooxda Bayern Munich oo hogaanka Bundesligaha 13-dhibcood ku hayaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan