Jose Mourinho oo aaminsan inuu Mesut Ozil ka farxin doono jamaahiirta Man Utd isagoo qaadaya tallaabo aysan jecleysan doonin Arsenal

0
1020

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa aaminsan inuu xiddiga Arsenal Mesut Ozil si shaqsi ah u damacsan yahay kusoo biirista kooxda ka dhisan Old Trafford.

Manchester United ayaa ah kooxda ugu cadcad saxiixa Ozil inkastoo ay xaqiiqadu tahay inuu u ciyaaro kooxda ay ku xifaaltamaan horyaalka England Premier League ee Arsenal, qandaraaska xiddigaan uu kula jirop kooxda ka dhisan FLY Emirates Stadium ayaana dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkaan.

Man Utd ayaa sidoo kale xiiso u qabta saxiixa Alexis Sanchez, inkastoo ay xaqiiqadu tahay inay Manchester City kula tartameyso loolanka loogu jiro saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Chile.

Ozil qudhiisa waxaa lala xiriirinayaa kooxda Barcelona, balse xiisaha Catalans wuu qaboobay tan iyo markii ay la wareegtay laacibkii hore ee Liverpool Philippe Coutinho.

Haatan majaladda Manchester Evening Newsayaa sheegeysa inuu tababare Mourinho aaminsan yahay in Ozil uu sameyn doono wax walba oo karaankiisa ah si uu uga soo tago Arsenal uguna soo biiro Man Utd.

Labadooda xiriir wanaagsan ayaa ka dhexeeya maadaama ay kasoo wadashaqeeyeen kooxda Real Madrid muddo seddax sanno ah.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan