KASHIFAAD: Leo Messi oo qaata laba u jibbaar mushaarka CR7 & Lacagta waallida ah ee soo gasha xiddigaan sannadkii

0
741

Lionel Messi ayaa dhowaan qandaraaska u cusbooneysiiyey kooxdiisa Barcelona, balse waxaa la ogaaday mushaarka waallida ah ee uu sannadkii ka qaadan doono kooxda ka dhisan Camp Nou Stadium.

Rumeyso, Lionel Messi ayaa wuxuu sannadkii Barcelona ka qaadan doonaa 100 milyan oo euros – waana mushaar aan caadi aheyn.

Dukumiintiyo ay soo bandhigtay shabakadda Football Leaks ayaa daaha looga qaaday in Barcelona ay Leo Messi mushaar ahaan u siin doonto in ka badan 400 milyan oo ginni afarta xilli ciyaareed ee soo aadan, shabakadda Faransiiska ah Mediapart ayaa sidoo kale daabacday xogtaan.

30 sanno jirkaan Messi ayaa mushaar ahaan ay Barcelona u siin doontaa 50 milyan oo ginni sannad walba, waana laba u jibbaar mushaarka uu Cristiano Ronaldo ka qaato Real Madrid.

Football Leaks ayaa sidoo kale daaha kaga qaaday warbixintaan in mushaarka rasmiga ah ee uu Neymar JR ka qaato Paris Saint-Germain uu yahay 37 milyan oo euros.

  • FAAHFAAHINTA MUSHAARKA 100KA MILYAN EE MESSI:

Messi ayaa qaadan doona 71 milyan oo ginni sannadkii marka la isugu daro mushaarkiisa iyo lacagaha uu ka helo xuquuqda xayeysiinta (Image rights)… Ogoowna Messi ayaa boqolkiiba 15 lacagtaan waxay uga soo xaroon doontaa xuquuqda xayeysiinta.

Waxaa intaas sii dheer Barcelona waxay siin doontaa Messi 70 milyan oo ginni oo kaash ah haddii uusan ka tegin Camp Nou Stadium afarta sanno ee soo aadan.

Guud ahaan Messi wuxuu sannadkii mushaar ahaan u qaadan doonaa 100 milyan oo euros. 70 milyan oo euros oo lagu dhuftay 4 sanno = 284 milyan oo euros, lagu daray 63.5 milyan, lagu daray 70 milyan = 417.5 milyan oo euros (71×4 = 284 + 63.5 + 70 = 417.5 milyan oo euros).

  • FAAHFAAHINTA LACAGAHA GUNNADA EE DHEERAADKA AH

Sidoo kale waxaa jiri doona lacago dheeraad ah oo uu Messi gunno ahaan u qaadan doono marka laga tago mushaarkiisa xulka qaranka Argentina.

Haddii uu ciyaaro 60 boqolkiiba kulamada xulkiisa qaranka, wuxuu heli doonaa 1.9 milyan oo euros oo dheeraad ah, haddii ay Barcelona hanato koobka UEFA Champions League waxaa uu Messi qaadan doonaa 12 milyan oo euros oo dheeraad ah.

Barcelona ayaa Messi ku qancisay lacagahaan gunnada ah ee faraha badan iyo mushaarkaan qaaliga ah si ay uga ceshato kooxaha jeebka weyn ee reer Yurub sida Manchester City.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan