Macalin Conte oo saxaafada la hadlay iyo sedex arimood oo uu jawaab celiyay

1
900

 

Tababare Antonio Conte ayaa saxaafada la hadlay markii Chelsea si niyad jab ku dheehan 0-0 ula galeen naadiga Leicester City oo 10-cayaaryahan kulankan ku dhameesatay.

Tababare Conte kooxdiisa cadaadiska ayaa kusii badanayo madaama sedex kulan xariir ah ku fashilmeen inay shabaqa soo taabtaan dhamaan tartamada kala duwan.

Conte Kulankii Leicester muxuu ka yiri: Waxaan u maleynaa xidigaheena tayada wanaagsan inaan kulankii Arsenal adeegsanay, maantana kulankan ayaan u adeegsanay, sidaa darteed badankood cayaartooydeena wey daalan yihiin.

Qaybtii hore cayaarta Leicester wey naga orod badnaayeen, weyna naga bandhig fiicnaayeen, balse dadaal adag ayaan sameenay, mana ka xumi dhibicda aan ka helnay.

Conte oo ka hadlay abaarta Morata heesato: Uma maleenayo in Morata in kaligiis dhibka heesto, dhamaan cayaartooyda kalena dhibka wey qabaan madaama iyagana ay goola dhalin weesan yihiin, waxa wanaagsan waxay tahay goolal kooxda lagama dhalinaayo laakiin fursadaha aan abuureyno ayaa aad u yar.

Dhaawaca Cahil mar uu Conte ka hadlaayay: Waxaan u maleynaa hada inuu dhaqtarka la joogo, waana arin wanaagsan, mana u maleenayo in dhaawacii uu halis ahaa, inkastoo aan wax walbo laga hor dhici karin.

SHARE

Hal aragti

  1. wuxuu dhahay kooxda fursado badan ma hesho
    asagaaba fursadaha udiidan macallinka maxaa yeelay wuxuu ciyaaara qaab daafac xitaa hadey tahay koox yar

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan