Nabi Keita Oo Isku Diyaarinaya Inuu Si Rasmi Ah Kaga Mid Noqdo Liverpool & Warar Kala Duwan Oo Kasoo Baxaya

0
541

Liverpool ayaa heshiis 51 milyan oo ginni ah u soo bandhigtay Keita si ay ula soo wareegto 1-da July, laakiin ka dib markii Philippe Coutinho u dhaqaaqay Barcelona, ​​Liverpool ayaa qiimeyneysa sida ay ku bedeli laheyd laacibka Brazil.

Kooxda RB Leipzig ayaa qirtay in Keita uu sii ahaan doono ciyaaryahankooda ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Waxaa laga yaabaa inuu noqodo laacib ka tirsan Reds inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga Bishan Janaayo xiddiga lagu magcaabo Nabi Keita.

Khabiirka Jarmalka Raphael Honigstein ayaa kusoo qoray Twitter-kiisa: “waa wax xiiso leh. waa sharci inay la wareegto Reds Nabi Keita.

Saxafiga Chris Williams ayaa sidoo shaaca ka qaaday in  Nabi Keita u ciyaari doono kooxda Leipzig axada beri ah kulankii ugu dambeeyay.

Leipzig ayaa la ciyaari doona Schalke, waxaana uu aaminsan yahay khabiirka Ralph Hasenhuttl uu Nabi Keita macsalameyn doono taageerayaasha.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan