Naby Keita oo kooxdiisa RB Leipzig gool ku macsalaameeyay ka hor inta uusan Liverpool soo aadin

0
886

 

Naby Keita ayaa kooxdisia RB Leipzig gool ku macsalaameeyay kulankii ay 3-1 guusha kaga qaateen naadiga Schalke 04.

Naby Keita ayaa gool kulankan ku daah furay asigoo dhaliyay darbad xoogan oo banaanka kasoo toogtay waxaana goolkan lagu tilmaamay macsalaamadii kooxdiis.

Liverpool ayaa sheegtay maalinta Axada inay si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto soo xero galinta Naby Keita oo ay 66-milyan oo pound Leipzig kaga soo qaadanayaan.

Xidigaan ayaa Reds u gadnaa ayagoo xagaagii hore bixiyeen 48-milyan oo pound balse hada lacag ayay ku darayaan si ay Naby Keita xili hore usoo qaataan una buuxiyo booskii uu baneeyay Phillippe Coutinho.

Berito oo Axad ayaa la wada sugayaa imaatinka Naby Keita garoonka Anfield iyo inuu si rasmi ah Liverpool kaga mid noqdo inkastoo weli kooxda Leipzig arinkaan si rasmi ah u xaqiijinin.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan